eSportsonline - 10,000+ Discount Games and Sporting Goods + Free Shipping

GRAND CANYON AWALE

ChEcK ThIs

Air Flight-New York
CheapOair.com

GABADH U DHALATAY WADANKA TAWAIN OO IS GUURSATAY


Gabadh magaceeda layidhaa Chen Wei-yih isla markaana aad iyo aad u quruxbada oo u dhalay wadanka tawain ayaa waxa laga s oo waramayaa inay isguursatay waxayna samaysatay xaflad aroos aad iyo aad u balaadhan isla markaana ay ku marti galisay xaflada dadwayne aad iyo aad u tira badan .Gabadhan oo ay daddee tahay 30 jir ayaa waxa ay ka kiraysatay hotel caan ah oo kuyaala tawain hool wayn oo loogu talagalay xafladaha isla markaana ay soo xidhatay taj cad oo loogu talagalay hablaha caruusadaha ah .haweenaydan is aroostay aya ka kacaday madashii arooskeeda iyada oo gacmaga ku sidata xidhmo ubax ah waxayna u sheegatay marti sharaftii in ay iyadu is guursatay oo islamarkaana ay matalayso arooskii iyo aroosadiiba .Qofkan Dumarka ah ee is guursatay oo warbaahintu wax ka weydiisay sababaha ku kalifay in ay khilaafto guurkii la yaqaanay ayaa si kalsooni leh u tidhi iyadda oo dhoola cadaynaysa “ Qorshahaygu muu ahayn in aan ka soo hor jeesto guurka, balse waxa jira sababo la aqbali karo oo igu kalifay in aan sidan sameeyo, rag badan oo aan jeclaaday oo aanu ku heshiinay in aanu is guursano ayaa I khiyaameeyay oo igaga baxay ballantii aanu dhiganay, run ahaantii shaki weyn ayaan ka qaaday, wey adag tahay sida aan u aaminayo nin danbe, sidaa awgeed, waxaan qaraar kama danbays ah ku gaadhay in aan is caashaqo oo aan anigu is guursado oo aan dhigto xaflad ii gaar ah”. Ayay hadalkeedii ku soo gabagabaysay.

Ugu danbayntii, waxa ay haweenaydani u sheegtay martidii arooskeeda ka soo qayb gashay in ay xaflada danbe ee Todoba baxa arooskeeda ay ku qaadandoonta talka Australia.